Nin Dilay Qof Sujuudsan Taraawiix oo Baydhabo lagu maxkamadaynayo.

0
Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia ayaa Maanta dhagaysatay Dacwad Ciqaabeed loo haystay Eedaysane Baroow oo loo haysto Dilka Sh Madeer Madgaab oo isagoo Taraawiix Sujuudsan Safka 2 aad ee Masjidka lagu dilayo 15 kii Bishan. Waxaana Dilkan loo adeegsaday Bastoolad Makaaruf ah.
Baroow oo ah Shaqsigii Gacantiisa ku gaystay Dilkan ayaa Jameecadda oo Sujuudsan inta dhex jiiray ugu tagay Sh Madeer Safka 2 aad, halkaasna ku dilay, iyadoona kadibna uu goobta isaga baxsaday. Waxaana Sh Madeer uu ahaa Macalin Dugsi Quraan, isagoona Safka 2aad ugu jiray inuu Iimaamka ka saxo Quraanka marka ay wax ka qaldamaan.
Ninkaan oo lagu magacaabo Booroow ayaa gacantiisa ku dilay wuxuuna ku sheegay sababta uu udilay inuu ka tirsanaa ergadii soo xushay baarlamaanka
Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa lasoo taagay maanta iyadoo lasugaayo go.aanka maxkamada
Waxaa lagu qabtay bastooladii dilka ku gaystay iyo bambo F1 ah.
Ninka Dilka gaystay
Marag Muujin Maxkamadeed

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.