Hornafrik oo soo laabashadeeda laga dareemay Maalmihii la soo dhaafay mareegaha.

0

Shirkadda Warbaahinta Hornafrik ayaa noqotay Isha Wararka loogu kalsoonidda badan yahay ee Usbuucyaddii la soo dhaafay ay Soomaalidu si wayn ugu xiran yihin. waxaana isi soo taraya Fariimaha Bogaadinta ah ee ay noo soo dirayaan Akhristayaasheena.

Hornafrik ma saarto Xoogga dhacdooyin Maalmeedyadda si la mid ah Mareegaha Soomaalida ee waxay ku dadaashaa inay soo bandhigto Dhacdo kasta Xog la xiriirta, iyo saamaynta ka dhalan karta, taasoo ah Habka ay ku shaqeeyaan Warbaahinta Caalamiga ah.

Mareegaha Soomaalida oo si isku mid ah wax u qora ayeey Qorayaasha Mareegtan la yimaadeen hab ka duwan oo ay soo dhaweeyeen Akhristayaasheedu. Waana habka aan ku kasbanay Taageerayaal badan.

Hornafrik waxaa ka reeban wararka Dacaayadda ah iyo Aflagaadada. Waana Warbaahin dhex dhexaad ah oo soo shaqaynaysay illaa iyo 1999-dii.

Hornafrik Maqaaladda ay ku saxiixan yihiin Qorayaasha qoray oo u badan Dad magac ku leh Bulshadda waa Aragtiyo u gaar ah Qoraaga. mana ah Mid ka tarjumaysa Siyaasadda Hornafrik.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.