Shirkadda Beco oo ku amartay Dawladda Somalia inay tallaabo ka qaado Shirkadaha Suuqa kula tartamaya.

0

SHIRKADDA KORONTADA ee Marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano BECO ayaa  culeys awoodeed ku haysa shirkadaha kale ee bixiya adeega korontada Magaalada Muqdisho, iyadoo haatan dacwada arrintan la xiriirta la hor geeyay Garsoore ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir.

Dacwad ka dhan ah Shirkadaha Korontada  POWER SUPPLY iyo BLUE SKY ayaa sida ku cad Docoment ga Warbixintan  waxay Beco u gudbisay Maxkamadda Gobalka Banaadir, waxayna ku eedaysay Shirkadahan inay la isticmaalayaan Qad ay Ruqsad iyaga oo kaliya u haystaan. taasoo u muuqata in Beco ay doonoayso in kaligeed ay awood u yeelato Koronto Galinta Muqdisho.

Warqadda Dacwadda ah ee Beco ayaa waxaa ku xusan Amaro ay siinayso Maxkmadda Gobalka Banaadir. Waxaana Warqadda ay Shirkaddu ku xusaysaa Go’aanadda ay doonayso in lagu qaado Shirkadaha ay is hayaan, iyadoo sidoo kalana dalbanaysa Cidda ay tahay inay fuliyaan Go’aanadooda, taasoo ah Nooc Dacwo tii ugu horaysay ee ay Hornafrik aragto. iyadoona ah Dacwadan mid loogu yeerinayo Garsoorka Go’aanadda ay rabto Shirkadda Beco oo haysata Dhaqaale fara badan.

BECO Waa Shirkadda ugu Adeegga qaalisan Shirkadaha Korontadda Muqdisho. Mana oggola in Shirkad kale ay kula tartanto Suuqa, iyadoona horay u gadatay Shirkadihii kula loolami jiray Suuqa marka laga reebo 2 dan Shirkadood oo ka diiday inay Dhaqaale ku badashaan Adeegga Jaban ee ay siiyaan Shacabka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.