Farmaajo Oo Lacag Iid siiyay Agoon, Xageey ka soo gashay Lacagtaasi,?

0

Madaxweynaha ayaa lacag gaareysa $18,700 Xaqul Ciid ahaan u siiyay carruur agoon ah oo ku jirta xero agoon ku taal degmada Afgooye, inkastoo wax wanaagsan ay tahay, hadana waxaa is weydiin leh, halkee lacagtaas ka timid, qasnada dowladda miyay ka baxday ?, ma jeebkiisa ka baxday ?, dhowaan Wareysi uu Madaxweynaha siiyay Wargeyska Sharqul Awsad wuxuu ku sheegay inuusan aqoon mushaarkiisa, isla markaana aysan jirin lacag uu hadda dowladda ka qaato, waxaa horay loo xusuusta in Madaxweynuhu in lacag gaareysa $30,000 uu ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha, taasoo uu sheegay inay aheyd Hadiyad la siiyay.

Madaxda Dawladdda oo horay u ballanqaaday inay la dagaalamayaan Musuqmaasuqa ayaan cadayn meelaha ay ka soo gasho Lacagaha ay bixiyaan. Waxaana xusid mudan in Ciidanka iyo Shaqaalaha Dawladda Somalia aysan qaadan Mushaar Bishan Ramadaan, taasoo ka dhigaysa in Geesiyaasha u huray Naftooda Dalka inaysan Caruurtoodu haysan Farxadda Ciidda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.