Wafdi UK ka socday oo maanta booqday Muqdisho, diidayna inay dhaafaan Garoonka Diyaaradaha.

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK Ms Priti Patel

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin taageerida UK ee Soomaaliya iyo sidii horumarka ay ku tallaabsaday dowladda Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay doorka UK ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Arrimaha sida gaarka ah ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah kulanka maalgashiga iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka oo dhowaan la qaban doono.

Wafdigan oo waqti kooban joogay ayaan soo dhaafin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. waxayna diideen inay tagaan Madaxtooyadda Somalia, sababo la xiriira Ammaankooda. iyagoona markii ay Madaxda Soomaalida ku qaabileen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay ku taalo Safaaradda Britain kadib Dalka ka dhaafay.

UK ayaa dhowaan marti gelisay shir caalami ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasoo bishii la soo dhaafay ka dhacay magaalada London.

Madaxwayne Farmaajo ayaa horay u ballanqaaday intii uu ku jiray Ololaha Doorashadda in haddii la doorto uu badali doono Dhaqankii hore ee Madaxda Soomaalida oo ahaa in Wafuud lagu qaabilo Garoonka. Waxaase muuqanaysa in Dawladiisu ay isla habkii hore ku socoto. Isla markaana ay meesha ka baxday Ballanqaadkii Madaxwaynaha ee arrintaasi ku aadanaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.