Dawladda oo ka xirtay Shacabka Jidcadayaashii Xaafadaha dhex marayay.

0

Jid cadayaasha laamiga soo galayay ee Illaa Zayidka iyo Isgoyska Banaadir ayaa caawa lagu gooyay dhagxaan, Waxaana Tallaabadan lagu xirayo Jidadkaasi fulinayay Taliska NISA ee Gobalka Banaadir.

Dhamaan Jidcadayaasha Xaafadaha Hodan, Hawlwadaag, Wardhiigleey, Wadajir, Dharkeenleey iyo Waabari ayaa lagu gooyay Dhagax. iyadoona tallaabadani ay horseedayso inay isku gudbi waayaan Xaafado isku muuqdo.

Dadka Muqdisho oo awal dhibaato ku qabay Wadooyinka waawayn oo inta badan u xiran Dawladad, Isla markaana aan loo oggolayn qof aan wadan Aqoonsi Shaqaalanimo oo Dawladda ah ayaa isticmaali jiray Wadooyinka Xaafadaha oo ay nafis ku qabeen. lkn hadda waxay u muuqataa in Xanibaadani ay saamaynayso Shacabka.

Dawladda Somalia oo horay u sheegtay inay furayso dhamaan Jidadka xiran, dadkuna ay uga fadhiyeen inay ka dhabayso Ballanqaadkaasi ayaa hadda u muuqata inay ugu badashay Ballantii ay shacabka la gashay inay xirto Jidad hor leh.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.