Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Baardheere, Al-Shabaab oo weeraray xero ciidan

0

Dagaal xooggan oo saacado socday ayaa xalay ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xero ciidan ay lahaayeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic iyo baasuukayaasha garbaha laga rido, iyadoo kaddib uu bilowday dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Baardheere ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay maqlayeen hub culus oo dhinacyada dagaalamayay is weydaarsanayeen.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo xilli habeen aheyd, halka weerarka ka dhacay ay aheyd meel ka yara durugsan magaalada.

Xaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda ayaa saaka degan, waxaana la sheegayaa inuu socdo dhaq dhaqaaq ciidan ay wadaan ciidankii xalay la weeraray.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan, waxaa ay horay weeraro ka geysteen dhowr goobood.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.