Dad Shacabah oo ku dhintay qarax haleelay Gaari BL ah.

0

Sida maanta laga Baahiyay warbaahinta dalka kenya dad gaaraya ilaa afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 6 kalane waa ay ku dhaawacmeen Qarax maanta haleelay Gaari BL ah oo ay Saarnaayeen Shacab kaas oo maraayay inta u dhaxeysa Ceel-waaq iyo Mandheere.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka tagay magaalada Ceel-Waaq uuna kusii jeeday Mandera markii ay miinadu la qaraxday.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka dhaawacmay lasoo gaadhsiiyey cisbitaalka degaanka Lafey uuna ku jiro mid ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada oo dhaawaciiisu halis yahay.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dadka dhintay ay haatan dhan yihiin 4 qof, kuwaasi oo saddex ay ku dhinteen isla goobta qaraxu ka dhacay, kan kalena uu dhintay intii cisbitaalka loo sii waday.

Al-Shabaab ayaa inta badan loo tiriyaa inay ka dambeeyaan weerarradan loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee ka dhacay Waqooyi Bari Kenya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.