Alshabaab oo soo Bandhigay Codadka Raggii fuliyay Weerarkii Maqaayadda Pizza .

0

War ay Kooxda Alshabaab ka baahiyeen Raadiyaha ku hadla Afkooda ee Andalus ayeey ku sheegteen Masuuliyadda Weerarkii Maqaayadda Pizza. Waxayna Kooxda soo bandhigtay Codadka rag ay ku sheegtay inay yihiin kuwii fuliyay Weerarka oo ay Rasaas ka ag dhacayso.

Raggan Naftaad Qarabiyaasha ah ee Maqaayadda ku laayay Dadka ayaa ku faanayay inay xasuuqeen Haween Jirkooda ka ganacsanayay iyo Ajaaniib. Waxayna sheegeen inay wali iska caabin ku jireen, iyadoo Codadkana ay u muuqdaan in la duubay Xalay intii aan Hawlgalka la soo afjarin oo ay noolaayeen Kooxda ka tirsan Argagixisadda ee weeraray Maqaayadda.

Halkan ka dhagayso Warbixinta Alshabaab

Weerarkan Xalay ka dhacay Maqaayadda Pizza House ayaa lagu laayay Shacab nasasho halkaasi ku qaadanayay oo u badnaa Arday. Waxaana Dadka dhintay ka mid ahaa 2 Gabdhood oo isla dhashay iyo Eedadood oo Xaamilo ahayd, iyo Dhalinyaro kale oo Waqti Farxadeed ku jiray.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.