Dawladda Somalia oo qorshaynaysa inay Xilalka ka qaado Masuuliyiin Amni. kadib Weerarkii Xalay ee Pizza.

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo ayaa guddoomiyay Maanta Kulan deg Deg ah oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka. Waxaana Kulankaasi looga hadlay Dhacdadii Xalay ee Pizza House.

Warar ay Hornafrik heshay ayaa sheegaya in Kulankaasi la iskula soo qaaday in Xilalka laga qaado Taliyayaasha Qaarkood si loo muujiyo isla xisaabtan. Waxayna seeftu dul saaran tahay Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Qaybta Guud ee NISA Gobalka Banadir, iyo Saraakiil kale.

ma ahan markii ugu horaysay ee Qaraxyo dhaca ay Masuuliyiin ku waayaan Xilalkooda. Waxaana horay sidan oo kale Qarax ka dhacay Madaxtooyo ku waayay Xilalkoodii Taliyayaasha NISA iyo Booliska, iyo Wasiirka Amniga. iyadoona ay xusid mudan tahay in waqtigaasi uu ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Saacid.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.