Ciidamada Amniga oo feejignaan sare la geliyay, kaddib weerarkii xalay (Sawirro)

0

Ciidamada Ammaanka ayaa feejignaan sare ah la geliyay, iyadoo si aad ah u adkeeyay ammaanka inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo wado kasta iyo ciidan noqotay.

Waddooyinka waa weyn iyo waddooyinka yar ee loo yaqaano jid cadayaasha ayaa dhamaan ciidamo la dhigay, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka baaritaan ku sameynayay.

Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa lagu arkay xaafado dhowr ah oo gaadiidka isticmaalaya waddooyinka jid cadayaasha si adag u baarayay.

Baabuurta ayaa safaf ugu jiray baaritaanada ay ciidamada wadeen, iyadoo dadka laga soo dejinayay, dabadeedna baaritaan lagu sameyay

Weerarkii xalay lagu qaaday maaayadaha Pizza House iyo Posh Treat ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu dhashay bisha Ramadaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo muddooyinkii u dambeeyay soo hagaagayay ayaa weerarkii xalay waxaa uu wax ka bedelayaa dareenkii ay dadka qabeen.

Al-Shabaab ayaa mar kasta bartilmaameedsada maqaayadaha iyo hotelada ku yaalla Muqdisho oo noqday kuwo u nugul dhibaatada ay u geystaan ee ka soo gaara bur burka hantiyadeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.