Wararkii ugu dambeeyay howl gallo ka socda Maqaayadda Pizza House iyo Ciidamada Gaashaan oo gudaha u galay

0

Ciidamada gaarka u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan ayaa gudaha u galay dhismaha Maqaayadda Pizza House, iyadoo wali la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa gudaha maqaayada.

Howl galka oo illaa iyo hada qaatay saacado, tan iyo markii uu qaraxa dhacay caawa fiidkii ayaa la sheegayaa in ciidamada ay la dagaalamayaan dabley hubeysan oo gudaha maqaayada ku jirta.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Carab ayaa sheegay in howl galku socdo, isla markaana ciidamada gaarka ay gudaha ku jiraan, ayna nadiifiyeen qeybo ka mid ah dhismayaasha.

Waxaa uu sheegay in inta howl galka socday ay ciidamada soo bad baadiyeen dad kala duwan oo markii hore ku go’doomay dhismaha, markii uu qaraxa dhacay.

Inta la xaqiijiyay illaa iyo 15 qof ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaa laga yaabaa in khasaaraha intaas ka bato, waxaa la sheegayaa in dadka dhintay uu ku jiro Nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay Maqaayadda Pizza House.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay ku jiraan dhismaha hoose, halkaasoo ay rasaas ka soo ridayaan, sidoo kale ciidamada gaarka ayaa iyana la sheegay in qeybaha dhismaha ay ku jiraan, iyagoo isku dayaya inay hal meel isugu geeyaan dableyda hubeysan.

Labada Maqaayad ee la weeraray Pizza House iyo Posh Treat ayaa ah kuwo iska soo horjeeday, waxaana uu si isku mid u saameeyay qaraxa, inkastoo dableyda la sheegay inay galeen maqaayadda Pizza House oo ay ku qaldeen Posh Treats, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay tilmaamtay in dagaalyahano hubeysan ay gudaha ku jiraan, ayna howl gal ka wadaan Maqaayada Posh Treats oo ah goob lagu caweeyo oo ay ka shaqeeyaan shaqaale ajaaniib.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay sidoo kale ka soo badbaadiyeen dad isugu jira ajaaniib iyo Soomaali ka soo bad baaday Maqaayada Posh Treats oo iyada Maqaayadda kale uu Qaraxa burburiyay.

Wararka ayaa sheegaya in in dadka la soo bad baadiyay ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Kenyan oo shaqaale ka ahaa Maqaayada Posh Treats.

Sidoo kale waxaa la soo bad baadiyay dad kale oo ahaa dadkii maqaayada ka cunteynayay, waxaana markii hore jiray xaalad hubaal la’aan.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa oo bartilmaameedkiisa la sheegay inuu ahaa maqaayada Posh, hase ahaatee waxaa muuqata in qaraxyada ay si isku mid u saameeyeen labada Maqaayadood ee Pizza House iyo Posh Treats.

Maleeshiyaadka ku jira Maqaayadda Pizza House waxa ujeedkoodu ahaa inay galaan Maqaayadda Posh Treats sida ka muuqata Wararka ay faafinayaan Website yadda ku hadla Magaca kooxdaasi oo ku faanaya inay weerareen siday sheegteen Maqaayad lagu tunto oo lagu magacaabo Posh Treats.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.