Qarax lala beegsaday Maqaayad lagu cabo Shiishad oo ku taala Muqdisho.

0

Qarax xooggan ayaa goor dhawayd lala eegtay Maqaayadda Posh Treats ee Degmadda Hodan oo ah goob lagu cabo Shiishadda, inta badana ay isugu yimaadaan Qurbo Joogta.

Isgaarsiinta Booliska iyo Nabadsugidda ayaa laga baahinayaa inaysan jirin Rasaas ka soo dhacaysa Gudaha Maqaayadda, taasoo u muuqata inaysan jirin Koox Hubaysan oo Gudaha u galay Maqaayadda. Waxaana Goobta isku gadaamay Ciidamadda Ammaanka.

Baabuur fara badan oo ay lahaayeen Dad meesha ku cawaynayay ayaa ku gubtay Goobta. waxaa sidoo kale jira Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah oo aan la cayimin. iyadoona illaa iyo hadda Xaalad Jahwareer ah ay ka taagan tahay Aagga Qaraxu ka dhacay.

Maqaayadan ayaa waxaa iska leh Gabar Soomaaliyeed oo Qurbaha ka soo laabatay. waxaana ka shaqeeya Shaqaale Itoobiyaan ah.

la soco wixii faah faahin dheeri ah

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.