Eng, Yariisow “Wax dhaqaale oo looga hadlay ma jirto, kulamadii arrimaha khilaafka Khaliijka”

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa beeniyay wararka sheegaya in arrimo dhaqaale loogu balan qaaday dowladda Soomaaliya dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriira arrimaha Khilaafka Khaliijka.

Sida ay daabacday wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganaysa Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in haba yaraatee wax dhaqaale ah aan looga hadlin kulamadii ku saabsanaa Khaliijka

“Warbaahinta waa inay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee ka durugsan xushmada iyo dhaqanka diblomaasiyadda”ayuu yiri Wasiir Yariisow oo intaa ku daray in Saxaafadda kula dar daarmayo inay ka fogaadaan wararka aan salka laheyn ee wax u dhimi kara karaamada iyo sharafta qaranka iyo tan dalka aan walaalaha nahay.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka ay leeyihiin xiriir walaaltinimo oo qoto dheer, ayna ka dhaxeeyaan dano badan oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

“Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in, haba yaraatee, aan wax dhaqaale ah looga hadlin kulamadii la xiriiray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee arrimaha Khaliijka”ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Wariye ka tirsan Wargeyska Sharqal Awsad oo u dhashay Qatar ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Madaxweyne Farmaajo uu iska diiday 80-milyan oo dollar, si uu xiriirka ugu jiro dowladda Qatar.

Arrintan ayaa qabsatay warbaahinta qaar ka mid ah dalalka Khaliika, oo xilligan u muuqda kuwo labo dhinac u kala saftay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.