Madaxtooyadda Somalia oo kala qaybisay Maamulka Hirshabelle.

0

Khilaaf xooggan oo ay wararka aan helayno sheegayaan in laga soo abaabulay Madaxtooyadda Somalia ayaa soo kala dhexgalay Maamulka Hirshabelle. Waxaana Khilaafkii uu gaaray in Maanta qayb ka mida Xildhibaanadda Hirshabelle inay ku dhawaaqaan Shaqo Joojin ay ku sameeyeen Gud Baarlamaanka Maamulkaasi, Sh Cismaan Barre. kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu is hortaagay dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Maamulkaas.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeesheen maanta magaalada Jowhar ayaa waxaa Guddoomiyaha mooshin ka geeyay illaa 47 xildhibaan oo 39 ka mid ah ay qalinka ku duugeen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo dhawaan Muqdisho ka tagay ayaa qabtay mooshinka ay Xildhibaanada ku dalbanayeen in shaqo joojin lagu sameeyo Guddoomiyaha, Waxayna Xildhibaanadan ku eedeeyeen Gudoomiyaha inuu Garab iyo Gaashaan u noqday Madaxwaynaha Maamulka Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble oo ay doonayeen inay Mooshin ka keenaan.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sababtay buuq iyo sawaxan, taas oo qarka u saarantay in gacan ka hadal uu dhaco

Todobaadyada soo socda ayaa la filayaa in codka kasloonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre, waxaana xaaladan ay abuureysa khilaaf cusub oo soo kala dhex gala Baarlamaanka Hirshabeelle.

Goáankan Shaqo Joojinta ah Xildhibaanadda horboodaya ayaa waxay ka gaws haystaan Madaxwayne Ku Xigeenka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo ku xiran Madaxtooyadda Somalia. isla markaana loo adeegsanayo inuu ka shaqeeyo Burburinta Maamulka Hirshabelle oo uu ka yahay Madaxwayne Ku Xigeenka.

Dhinaca kale Kulan ay Golaha Wasiirada Hirshabeelle ku yeelan lahaayeen degmada Balcad ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana kulankan uu ahaa mid uu isugu yeeray Madaxweynaha Hirshabeelle. Waxaana Kulankaasi ka baaqsaday Wasiiro dhawr ah oo ku xiran Cali Guudlaawe.

Khilaafka Maamulka Hirshabelle oo in muddo ah soo jiitamayay ayaa hadda u muuqda inuu gaaray meeshii ugu saraysay. Waxayna arrintani mugdi galin doontaa Mustaqbalka Maamulkaasi oo curdun ah. iyadoona la saadaalinayo in Maamulka Hirshabelle oo uu u kala jabi doono Labo dhinac oo fariisimo ka kala dhigan doona Jawhar iyo Balcad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.