Baaritaano xoog leh oo ka socda Maanta Wadooyinka Muqdisho.

0

Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa saaka howl gallo baaritaano ka wada waddooyin dhowr ah, iyadoo gawaarida kala duwan ku amraya inay istaagaan, baaritaan ku sameynaya.

Sida ay wararku sheegayanan ciidamada ayaa saaka baaritaan ka wada waddooyin cusub, sida wadada Buundooyinka ee degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Ciidamada ayaa si gaar ah u baaraya, gaadiirka yar yar, iyadoo la joojinayo gaadiidka, kaddibna darawalka su’aallo la weydiinayo, sida aqoonsiga, hubinta gaariga iyo waxyaabaha saaran.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaraya dadka saaran gaadiidka dadweynaha, kuwaasoo iyana su’aalo weydiinaya.

Xaladda magaalada Muqdisho ayaa amni ahaan isbedashay wixii ka dambeeyay markii dowladda Federaalka sameysay ciidanka xasilinta Muqdisho, kuwaasi oo magaalada ka bilaabay hub uruurin iyo howlgallo kale oo amniga lagu sugayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.