Arday Soomaali ah oo ka qayb galayay Tartanka Quraanka Imaaraadka oo la soo tarxiilay.

0

Arday Soomali ah oo ka qayb galayay Tartan Quraan Akhris ah oo ka socday Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la soo taxiilay, ka hor inta aan Natiijadda Tartanka lagu dhawaaqin. Waxayna Dawladda Imaaraadka Ardaygaasi u soo tarxiishay Somalia sababo la xiriira Goáanka dhex dhexaadnimadda ah ee Somalia ay ka qaadatay Khilaafka Wadamadda Khaliijka.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horaysay ee ay Somalia kala kulanto Isbahaysiga Sucuudiga, tan iyo markii ay Dawladda Muqdisho ku dhawaaqday Goáankeeda ku aadan Go’doominta Qadar ay galiyeen Isbahaysiga Sucuudigu hor kacayo. Waxaana Masaafurinta Ardaygan ay imaanaysaa xilli ay Somalia ku sugan yihiin Wafdi ka socda dawladda Qadar.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.