Waa Maxay Tix iyo Tiraab?

0

Hordhac
Inta aynaan qeexin waxa ay kala yihiin tix iyo tiraab, waxa habboon in aynu marka hore qeexno waxa uu yahay afka Soomaaliga ee ay tixdu iyo tiraabtuba ka mid yihiin.
Af-Soomaaligu waa af xuruuftiisu ay Laatiin tahay dhawaaqiisuna uu Carabi yahay. Waxaana la qoray fartiisu sanadku marka uu ahaa
1972kii.
Codadka uu far-Soomaaliga ka kooban yahay ama leeyahay waa toban shaqal, kow iyo labaatan shibbane iyo sumadda hamsada oo iyadu leh cod gaar ah.

Afka Soomaaligu waxa uu u qaybsamaa guud ahaan labo qaybood oo waaweyn oo kala ah:

• Tix
• Tiraab

Qeexid Tix
Tixdu waa qayb hadalka ka mid ah waxayna leedahay ridmo iyo qaafiyad u gaar ah oo xaraf ku socota oo tuduca horey ama dhexda ka gala kuna soo noqnoqda labo, saddex ama afar goor. Tixdu waa suugaan, suugaantuna waa maanso, maansaduna waxa ay ka kooban tahay qaybo badan waxaana ugu waaweyn:

• Gabayga
• Geeraarka
• Jiiftada
• Masafada
• Buraanburka
• Heesaha
• Guurowga
• Shiribka
• Welgada
• Maahmaahyada

Xeerka tixdu waa inaad saddex waxyaabood dhawrtaa: munaasabadda, macnaha iyo xarafkaba.

Qeexid Tiraab
Tiraabtu waa qaybta hadalka ka mid ka ah ee aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf ay ku socoto, waxa ayna ka kooban tahay murti, googaaleysiga, sheeko, baaniso, oraah iyo qayb ka mid ah
maahmaahyadda.
Xeerka tiraabta loo adeegsado waa in loo ilaaliyo meel dhacdo iyo macno, laakiin kugu dabrimeyso tiraabtu inaad xaraf iyo xubin midna ku socodsiiso ee hadalku tiraabta ahi waad dheereyn kartaa waadna gaabin kartaa.

Weydiimo
1. Waa maxay tix? Waa maxayse tiraab?
2. Goorma ayaa la qoray far-Soomaaliga?
3. Immisa ayuu u qeybsamaa Af-Soomaaligu?
4. Sheeg saddex ka mid ah qaybaha tixda?
5. Sheeg xeerka tixda iyo tiraabta?

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.