Waa maxay Suugaani ? (W/Q: Cabdixakiin Cabdilaahi Aaden dheere)

0

Waxaan maanta qormadaydan tooshka ku qabanayaa suugaanta iyo qeybaha maansada, runtii waa mawduuc aad ugu muhiim ah qofkastoo afka soomaaliga ku hadla kala barashada suugaanta, maansada,  iyo noocyadood kala duwan waanna aas-aas ka afka-soomaaliga.

Soomaaligu wuxuu kamid yahey luuqadaha adduun ka ugu adag barashadiisa iyo ku hadal kiisaba. Waana luuqad hodan ah dhinac kastaba, muddo aad u kooban oo af-soomaaligu qornaa dartii. Haddana waxaad weli mooda in halkiisi laga dhaqaajin oo faraha lagaba qaadey maamulidiisa iyo ka hortagga/sixidda ereyada suuqiga ah ee ku dhex-saaqmaya soomaaliga.

Haddaaba wuxuu abwaankan soomaaliyeed tilmaamaya sida shaykastaba hadduu kaabihiisa waayo uu u rafanayo ama u dhibtoonnayo, haddaba haddii af-soomaaligu waayo suugaan iyo maanso uu iska noqdo hadal caadiya ama tiraab waxaa dhacaysa in lagu rafto, sida abwaan ku u masallayo.

Rahu hadduu biyo waayo dhoobaduu ku raftaa

Inankaan la rabeyn edebtuu ku raftaa

Diyaarda riinka ka xumaaday samaday ku rafataa

Reer magaale gaboobay haduu ruux la mur-maayo wallahuu ku raftaa

Rubiyad aan sarifeyn kiishaday ku rafataa

Nin jaad ruuggaa u aastayna marqaan buu ku raftaa

Naag hinaase ku raagtey rugta sooma gashee qol-qolkey ku raftaa

Wadaad aan ruugun quraanka ruux gunaanadi mayo, kitabkuu rog-rogaayo isna wuu ku raafta

waa geeraar uu curiyey abwaan ka Cabdilaahi shube

Haddaba waxey nu si baxsan udul-hogannaynaa af-soomaaliga iyo qeybihiisa kala duwan, inta badan dad kuma fahamsanaa qeybaha soomaaliga iyo suugaantiisa, waxkasta saldhig bey leeyihiin ama meel ay ka shiraacdaan, qeybahan soo socda waa halka dhammaan af-soomaaligu uu ka shiraacdo.

Waa maxey af-soomaaligu? Qeybaha af-soomaaliga? Waa maxey suugaantu ? iyo qeybaha maansada…..IWM. dhammaan su’aalahaas oo dhan hoos ka dhugo.

Haddii maanta lagu weydiin lahaa, waa maxey Af-soomaaligu? dadka badan kii waxey ku jawaabi lahaayeen : dee, af-soomaali waa af-soomaali uun. Gadh-ku-gadh kaad moodey maaha, af-soomaligu kaad moodey maaha ee waa :

ü  Af-soomaaligu waa af xuruuftiisu ay laatiin tahey dhawaaqiisuna uu carabi yahay. Waxaana la qorey fartiisa sanadku marka uu ahaa 1972kii.

Xarfaha  uu far-soomaaliga ka kooban yahay ama leeyahay waa toban shaqal, kow iyo labaatan shibbane iyo sumadda hamsada oo iyadu leh cod gaar ah, waxeyna markasta raacdaa shaqaladda.

Af-soomaaligu wuxuu u qaybsamaa guud ahaan labo qeybood oo waaweyn oo kala ah :- Tix iyo Tiraab.

Raage ugaas wuxuu nin xikmad badan soomaaliduna ay aad u tixgeliso gabayadiisa, raage oo gabay ga waxbadan kusoo kordhiyay, wuxuu ahaa ninkii u-kala saarey af-soomaaliga tix iyo tiraab.

Sidoo kale, raage ugaas wuxuu ahaa sida la isku raacay ninkii gabayada soomaaliyeed ku laray luuqda ah  ( hooyaalayeey hooyaalayeey hooyaalayeey hooyee). Waxaana kamid ahaa gabayadiisa kuwa ugu caansan  sida :koorta yucub , alley dumay ,saatan inay dunidu noqon, gaboow, ardaal nacas ah, iyo qaar kaloo badan.

  • Tix : waa weedh kasta oo hab–dhac iyo qaafiyad leh . qeybkasta oo tixda hoos timaadana waxa loo qeexi karaa sidaa, tusaale ahaan: suugaan , maanso , gabay , geeraar, jiifto, buraanbur, iyo maahmaahyo IWM.

Tixdu waxey u qeybsantaa labo qeybood oo waaweyn oo kala ah : suugaan iyo maahmaahyo.

ü  Suugaantu:  waa maanso, maansaduna waxay ay ka kooban tahay qaybo badan waxaana kamid ah; gabayga, geeraarka, jiiftada, buraanburka, heesta,masafada , shiribka, guurowga, IWM.

  • Tiraab: tiraabtu waa qayb hadal ka caadiga kamid ah oo aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf ay kusocoto. Waxaana kamid ah hadal ka caadiga ah, sida :  sheekooyinka, murtida, oraahda iyo halhaysayada.

Waa maxey Suugaan?

suugaantu : waa qeybta ugu hodansan afka soomaaliga , waanna sida magaceedaba ku tusan suugada iyo iidaanka afka.

Suugaantu waxay u kala baxdaa labo qaybood oo kala ah :

  1. Maanso iyo
  2. Maahmaah

Waxayse suugaantu leedahay macneyaal badan oo ku tusaya qiimaha ay degaanada oo dhan u leedahay, waxaana kamid ah macnayaasha badan ee suugaantu loo yaqaan:

  1. Suugaan xoolaleey: waa doog iyo ugbaad , marka la leeyahay meeshaas waxay leedahay suugaan, oo waa meel ay xooluhu suugaan ka heli karaan.
  2. Suugaan beeraley: waxay u yaqaaniin badar ka marka la tumo ee la shiido, ee loo kala saaro biinsho, budo, iyo jadhiidh, jariirta ah ee daxiinka ee meesha badanku ugu wanaagsan yahay ah.
  3. Suugaan afeed : waxay dadka afka aad u yaqaan ee cilmiga luqadaha iyo ku hadalkooda bartay suugaan u yaqaaniin qaybta afka soomaaliga ee ridmada iyo qaafiyada ku dhisan ee murtida iyo xikmadda laga dhurto. Waana macnaha ay dadku intooda badan u yaqaaniin.
  4. Suugaan guri : nolosha hoose ee guryaha marka ay suugaanta ku jirto waxay ay yiraahdaan ‘’ suugaani hadal maaha’’ taas oo marka labo nooc yeelatay, macnaha hore waa suugaani hadal maana waxaa loola jeeda hadal ka gunuunuca ah ee guraabaaska ah ee aan la fahmi Karin, macnaha labadna waxa uu leeyahay suugaani hadal maaha macnaheedu waa suugaantu hadalka caadiga ama hadal waa ka sareysaa ee hadal ha moodin.

Maansada iyo farraceeda

Gabaygu:  waa hadal kooban oo xaraf ku dhisan ( qaafiyadda) waan boqorka hadalka noocyadiisa kala duwan.

Geeraar : geeraarku waa qeyb ka mid ah bahaha maansada, waxaana la tiriyaa xilliga guulaha iyo farxadda, waxaana gabayna looga soocaa gaabnida meeriska iyo dhawaaqa, waana tiirka labaad ee maansadda xagga caannimada.

Tusaale :

Sideedaba adduunyadda

Rabbi markuu sameeyoo

Dhulka noo salaxayoo

Soo saaray aadmiga

Ninbaa meel u saanqaad

                 Xasan ciise ( xasan gabay)

Jiifto : jiiftada waa nooc kamid ah maansadda waxaana la tiriyaa xilliga guubaabada iyo waanada,waana tiirka saddexaad ee maansadda.

Tusaale:

Haddii dunida lagu waarayooy daayin noqoneyso

Waxaan laga dileen nebiyadii laysu soo dirayee

Asxaabihii baan degeen daahirka ahaaye

Faadumo iyo dirked ayaan dumug yidhaahdeene

                                                                   Yuusuf Cabdulle Muuse

 

Masafo : waa qeyb kaloo iyana kamid ah maansada, waxaana la tiriyaa xilliga wacdiga iyo guubaabada.

Buraanbur : waxaana la tiriyaa xilliga ammaanta guubaabada iyo waanada.

Hees : waa qeyb kamid ah maansada, heestu waxey koobsanaysaa dhammaan xilliyada ee wakhtiga, macno ahaan xilliga kasta wey banaantahay tirinteedu, waxey sidoo kale leedahay laxan iyo muusig.

Sidoo kale heestu waxa lagu tiriyaa iney kamid tahay ta ugu caannsan maansada soomaaliyeed. Heestu waxey xambaarsan tahay darreen gaar ah oo ka tarjumaya xaaladd shaqsiyeed ama mid guud, waanna ta ugu balaadhan dhegeysiga ka-soomaali ahaan. Dadka badankoodu heesta waxay u yaqaaniin mid ka madax-banaan maansada ama aan ku abtirsann af-soomaaliga marka loo eegayo dhinaca luuqdda iyo kammanka, waayo waxey aad isugu dhaw buraanbur ka iyo heesta waana labo kala madaxbanaan markasta. Buraanbur ka waxa la tiriyaa xilliga ammaanta iyo guubaabada sidoo kalena waxey leedahay durbaan labo jeer dhaca halka heestana ay tahay mid xidhiidha, waxeyna aad ugu kala duwan yihiin xagga luuqda.  Sidoo kale Waxey ka siman yihiin meerisyada soo laba jeer noqda ee loo yaqaan dhextaal (mid-point).

Guurow : inta badan waxey u gaar tahay baa layidhaah daa degaano cayiman, sida mugdisho iyo agagaarkeeda.

Shirib : waxaa la tiriyaa xilliga guubaabada, guulaha iyo farxadda. Waxaan caan ku tahay xeebaha banaadir. Sidoo kale waxa jirta qeyb iyana ciyaaraha la ciyaaro oo loo yaqaan ‘’ shirib’’ waana sida : dhaantada, iyo jaan-dheerta IWM.

Ka sokow shirib ku inuu kamid yahay qeybaha maansada, waxa iyana jirta ciyaar laga ciyaarro koonfurta oo loo yaqaan ‘’shirib’’.

Saar : waa qeyb kamid ah maansadooyin ka soomaalida, waxaan la tiriyaa badanaa xilliga farxadda, ammanta, dhaliisha, iyo guubaabada. Waxey caan ku tahay gobolada koonfureed.

Salsal : waxey caan ku tahay lana tiriyaa xilliyada shaqada iyo hawsha, sidoo kale waxeyn u gaar tahya awrta .

Welgo : waa qeyb kamid ah maansada, waxaana la tiriyaa xilliga guulaha iyo farxadda.

Qeybta labaad ee suugaantu Waa maahmaah da:

ü  Maahmaah: maahmaah waa hadal kooban oo layidhi, maahmaahdu waa hadal murtiyeysan xikmad xambaarsan, sidoo kale waa hadal xikmadaysan oo ka hadlaya ama ka tarjumaysaa waayo-arragnimo iyo dhacdooyin kala gedisan oo goob joog u ahaa qofkaas maahmaah da bixiyay.

Tusaale :

  • Biyaa sacabbadaada looga dhergaa
  • Ciirtaa dhamee, ceebta yaqaan
  • Ceeb looma dhinto, caro looma qarxo,cayna looma dhinto
  • Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan

Maahmaah du labo siyood bey u dhacdaa : waa dhacdo la soo gudboonaatay ruux,  noloshiisana saamayn togan iyo mid toganba kuyeelatay, kadibna kugu kaliftey inuu saymo u diro bulshada qeybaheeda kale isagoo adeegsanaya hadal dhambaalo kooban sida:

Mesalan , maahmaah da ah: alle watow wehel uma baahna. ( sharax gaaban: maahmaahdani waxey ka tarjumaysaa sida qofka bili’aadamka ahi hadduu alle ku xidhnaado uu uga maarmayo dhammaan bulshadoo idil, baryadooda, iyo is-dhul dhigooda .

Iyo : mid saadaallin ku salleysan oo laga maahmaaho sida waxa soo socda looga sii gaashaanto ama wax aad fasho maanta ay berrito kaa dabo imanayaan.

Mesalan, maahmaahda ah : booraan hadimo ha qodin, hadaad qoddanna ha dheerey ku dhici doontaa mooyee.(maahmaahdani waa mid culus oo xikmadd balaadhan xambaarsan, waxey farta ku fiiqaysaa dhibta iyo shirkeeda, balaayadda iyo nabada, haddii aad damacdo in dhib geysato ama aargoosi, ha ku fogaan laga yaaba iney adiga dib kuugu soo laabato. Waana maahmaah waano iyo ishaaraba kuu ah camal falkeedda.

Gunnaandkii waxaan kula tallinayaa dhallinyarada iney dhaqankooda iyo af-soomaaliga ay barashadiisa ku dadaalaan,  si jiil-ka ka dambeeya ay u tixraacan darriiqaas wanaagsan ee aynu u jeexnay, awr-ba-awrka ka horeeya ayuu socodkiisa leeyahay haddii hoggaan kaagu noqdo mid marin-habaabsan, iyana wey qardo jeexayaan. Wabbillaahi tawfiiq…………………

Fiiro gaar ah; qeyb kamid ah qoraalkan waxaan kasoo xigtey buugg ay ku dhammaayeen 15ka abwaan ee soomaalida ugu caansanaa waa buugg laqorey muddo fog,  laakin nasiib xumo buuggan waxa ka go’ay jaldigii sare  kaas oo laga heli karaayay buugga magaciisa iyo qoraaga magaciisa.

Sidaas darteed intaas cuddur-daar bey ii tahay madaama ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuq da qalinka.

 

W.Q. Cabdixakiim Cabdilaahi Aadan

Addis-Ababa   Ethiopia

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.