Kooxaha, Ciyaartoyda & Halyeeyada Qaranka England Oo 20-jiradooda Ugu Hambalyeeyay Ku Guuleysiga Koobka Aduunka.

0

Ciyaartoyda xulka qaranka England ee da’doodu ka hooseyso 20-jirada ayaa ku guuleystay koobka Aduunka markii ay 1-0 ku garaaceen qaranka Venezeula kulankii kama dambeysta koobkii lagu soo afjaray koonfurta Kuuriya.

Da’yarka Everton ka tirsan Dominic Calvert-Lewin ayaa dhaliyay goolka qura ee ay sadexda libaax guusha ku gaareen inkastoo goolhayaha da’da yar Freddie Woodman uu sidoo kale noqday geesiga garoonka markii uu rigoore ka badbaadiyay Venezuela.

Hadaba halyeeyada qaranka England, ciyaartoyda hadda & kooxaha ayaa hambalyo kala duwan hawada u mariyay da’yarta guusha weyn soo hoyay.

“Hambalyo EnglandU20! Guul cajiib ah oo ay ku noqdeen horyaalka Aduunka” ayuu soo qoray kabtankii xulka England kulankii barbaraha ee Scotland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.