Kadib Saxiixa Víctor Lindelof – Immisa Lacag Ah Ayey Man United Ku Bixisay Afartii Sano Ee Lasoo Dhaafay Daafaceeda?

0

Man United ayaa ku dhawaaqday iney kooxda Benfica kala heshiisay adeegga daafaca xulka Sweden Víctor Lindelof kaas oo lacag dhan 35 Malyan oo Euro ku imaanaya garoonka Old Trafford.

Daafacaan da’da yar lacagaha lagu soo iibsaday waxey sii kordhineysaa qarashaadka ay Manchester United ku bixineysay daafaceeda afartii sano ee lasoo dhaafay, waxeyna haatan gaartay aduun dhan 161 Malyan oo Euro.

Daley Blind, Luke Shaw iyo Marcos Rojo ayaa soo gaaray garoonka Old Trafford sadexdii sano ee uu Louis Van Gaal joogay kooxdaan waana sanadahii 2014, 2015 iyo 2016.

Sidoo kale hal difaac ayaa kusoo biiray Manchester United xagaagii lasoo dhaafay waana Eric Bailly oo kaga yimid Villarreal.

Red Devils waxey noqotay kooxda ugu badan ee daafaceeda lacagahii ugu badan ku bixisay afartii sano ee lasoo dhaafay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.