Hay’ada UNHCR oo ka digtey qaxootiga ku soo qulqulaya dalka Talyaaniga

0

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa ugu baaqday wadamada Yurub inay ka caawiyaan dalka Talyaaniga sidii uu ula tacaali lahaa muhaajiriinta ku soo qulqulaysa kadib markii 2,500 oo ruux la soo badbaadiyay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Hay’ada UNHCR ayaa sidoo kale waxa ay soo cusbooneysiisay baaqeedii ku aadanaa in la caawiyo qaxootiga iyo dadka soo tahriibaya kahor inta aysan soo gaarin dalka Libya maadaama halkaa ay kala kulmaan tacadi iyo dhibaatooyin.

“Xalku ma noqon karo oo kaliya wadanka  Talyaaniga balse waa in talaabooyin hor leh la qaado si loogaga hortago dadka ku soo qulqulaya wadanka Talyaaniga.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay UNHCR.

Inkabadan 1,770 ruux ayaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen amaba lagu la’ yahay iyagoo doonaya inay ka soo gudbaan badda Mediterranean tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2017.

Ilaalada Libya ayaa waxaa ay ka soo heleen meydadka illaa siddeed soo galooti ah kuwaasoo saarnaa doon faaruq ah bariga xeebta dalka Libya magaalada Tripoli Sabtidii.

Ugu yaraan 52 ruux ayaa la la’ yahay kuwaasoo ka soo tegey xeebaha dalka Libya sida ay shaacisay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Hase yeeshee waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in dad badan ay ku dhinteen Saxaraha kahor inta aysan iman dalka Libya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.