Gabay: Godane Weydiiya? | Abwaan Xasan Garaad Warsame
Ayadoo dadka Soomaaliyed ay ahaayen kuwo siyaabo kala duwan wax is kugu sheego ayaa hadana Gabayadu waxeey kamid ahaayeen waxyaabaha wax la isku tuuso ama wax la isku weydiiyo, waxeyna ka dharagsan yihiin Hal abuurada Soomaaliyeed in dhambaaladooda ay ku gudbin karaan waxa ka soo maaxdo Maskaxdooda, taaso mararka qaar noqota mid ufuran dhamaan dadka iyo hal abuurada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan iney uga jawaabaan.
hadaba waxaana halkaan idinkugu haynaa Gabay Cusub oo uu tiriyaya “Abwaan Xasan Garaad Warsame” Gabaygaas oo ah fariin ku socoto, Hogaamiyaha Ururka Al-Shabab Al-Mujaajidiin SHEIKH MUQTAAR “ABUU SUBER”. (GODANE).
Abwaanka oo aan la sheekeystay ayaa waxuu i shegay in Gabaygaan uu u furan yahay Qof kasto oo Soomaali ah inuu ka jawaabo, ayadoo Warbaahintuna ay tahay meesha sida toosan ay ugu xiran yihiin Shacabka Somaliyed dad kuna ay kala socon karaan jawaabaha iyo isku hadal celinta Gabaygaan.
Gabaygaan oo ah Fariin si toos ah ogu socoto Hogaamiyaha Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa uu ciwaankiisu yahay.
- Godane Weydiiya?!!!.
- Gororrada dulqaadkiyo marbuu samirku guuraaye
- durbase gacanla qaadiyo dagaal looma howl galo`e
- waa laga galliimaa dhacdadi laga gariifaaye
- mukar aadan goyn Karin marbaa laga gedoodaaye
- guudka waxaanka eegtoo fidnadu gubata qiiqdaaba
- oon gabay mareynkiyo dibnaha gacanta saaraaba
- sida Aar gantaal dhaawac iyo hadimo gaarsiiyey
- ama guga onkoday oo xareed galalka weydaarshay
- gufaacoodayey xalay miyey gugacday laabteydu
- ummadyahay xiligu gaasiroo sebenku gaadeyey
- oo guluf wareemiyo la nool geeridiyo dhiiga
- misna gebegebeysani waxbaan idin gudonsiine
- lixyo toban hal oo wada gudboon Godane weydiiya?
- maansadi gadaal loola dhoco gaagax waw halise
- gaarsiiya kani waa dhambaal galaya Taariikhe
- hadii aad Jihaad dhaba gashood gadatay dhiigaaga
- oon guri qurxoon iyo aduun gacalo kaaheynin
- wax gafuurka laga duubahaa Godane weydiiya?
- gobolada gorowiyo berbera nabad hadey gaadhay
- oon miino guuxdiyo shacbiga gaadmo lagu leynin
- maxaa koofur loo guba hayaa Godane weydiiya?
- dadku gobanimada waa horow geesiya u huraye
- guushii ilaah siiyey bey calanku gaareene
- go`madow siduu uga gadmaa Godane weydiiya?
- abtir aan la garan iyo woxow goomanka u sheegtay
- uuna godobta uga galay dadbaa soo gardaadiyey
- aabihina uga geedi yahay Godane weydiiya?
- nin dagaal guhaadiis badshiyo gaado lagu faano
- oo diinta geed lagu koriyo talisku goobaaya
- ma guulbuu islaamka u wadaa Godane weydiiya?
- waatan uu amiir toban gu` jira culumo gaaleyne
- oo gaban hub qaadiyo jahligu geeda laac wado`e
- gacan dhiigle sheikh sowku yahay Godane weydiiya?
- waaki yiri kitaabkaan u go`ay inan gargaaraaye
- muslimiina madaxyada ka gura galin dharaareede
- gardariyo xaqtuu korinayaa Godane weydiiya?
- go`aamadi hargeysiyo in uu go`iga taageero
- uuna gaardis ugu jiro in uu hadafku guuleysto
- xamashadu marbey nala gashee Godane weydiiya?
- ma gafow allaa nagaga digay goyn naftaanada`e
- gabal baqaro buu uga hadliyo ayaad gooniyehe
- midkii geysta waatii cadaab loogu goodiyeye
- isagoo jihad lagu go iyo gacalo moodaaya
- inuu ruux sidii mara gashtee bam isku googooyo
- halka ay ka soo guuriyeen Godane weydiiya?
- gaajada waqtiga barakiyo oomanka isgaaray
- gacmo iyo dad lugohooda bey seef ku gurayeene
- umadaa garsoorkii xakumay Godane weydiiya?
- gudcur dumay habeen iyo dadkaan galab la leynaayo
- mujrim ganni ku qaadanahayiyo ganacsi mooyaane
- wallaan gacan illahey ka baqi lagu gumaadeyne
- meydkoo wadada gegen kolkow shacabku soo gaaro
- gablan hooyadii noqotay iyo gabadhi ooydaaba
- xagiisey habaarka u gantee Godane weydiiya?
- islaanimada gaariyo woxow goonida u sheegtay
- maslaxadoo ka guudhiyo misana daamanka u giijay
- inta kalana gaalo uga dhigay Godane weydiiya?
- nin jihad ku goodina hayoo qori la gaamaaya
- muuminiina gowraca hayoo gala masaajiida
- guryahana u dhaca oo dafaa gudaye leylkii ah
- garne qaadan oon maatadiyo gacal ka yaabeynin
- gaaladana ka cararoon dagaal golowgu yeeleynin
- dadku sidey ku garabsiin karaan Godane weydiiya?
- hadey geelku taaliyo hadey geedo socotaaba
- gabaahiir ta joogtiyo midii guule hurudaaba
- darajadey garbacad wada sugtaa waa gafane uune
- kursigaa guclaha loo yihiyo gunuda caynaanka
- oo qalinka lagu gaaro iyo garasho maandoogtay
- in ay gumacku raadina hayaan Godane weydiiya?
- goobta saxan ma tiigsado adoon galin wareeraaye
- isagoo galbeed doonayow bari u geyftaaye
- markaa buu gawaan ku ambadaa gool libaax badane
- qabuuraha la galay meydtadaan gama`a loo diiday
- oo gerweynta iyo faagidiyo gawda lagu haayo
- iyaguna waxay galabsadeen godane weydiiya?
- garba siman amxaaradu markey galab u soo duushay
- shacabkii dagaalada galee libin ku geeraaray
- guuldariyo woxow ciil u baday godane weydiiya?.
Abwaan Xasan Garaad Warsame
Email: [email protected]