Chelsea Oo Dooneysa Iney Man United Ku Garaacdo Saxiixa Kabtanka Colombia James Rodriguez – Jariiradda AS Ayaa Ku Warantay.

0

Chelsea ayaa lasoo warinayaa iney tahay kooxda ugu cad-cad loolanka loogu jiro saxiixa kabtanka qaranka Colombia James Rodriguez kaas oo aan ku niyad sameen inuu xilli ciyaareedka dambe inuu sii joogo garoonka Santiago Bernabeu.

Ciyaariyahankii hore As Monaco wuxuu doonayaa inuu nasiibkiisa ku tijaabiyo meel kale si uusan u seegin koobka Aduunka ee Russia lagu qaban doono sanadka soo aadan hadii ay xulkiisa xaqiijiyaan ka qeybgalkiisa.

Manchester United ayaa u muuqatay midda ugu cad-cad arinta xidigaan heerka caalami, bals hoos u dhac ayaa soo wajahay xiisahooda halka Paris Saint Germain ay iyadana u muuqato mid aan dar-dar galineynin rabitaankeeda ku aadan James.

Si kastaba wargeyska AS ayaa daabacay in Chelsea ay haatan tahay kooxda ugu cad-cad arinta la xiriirta mustaqbalka James Rodriguez.

Antonio Conte ayaa u sheegay Diego Costa inuu raadsado koox kale, sidoo kalana Cesc Fabregas ayaan la ogeyn sida uu qorshaha macalinka reer talyaani ula falgali doono, sidaas darteed kooxda waxey u baahan tahay magacyo kale oo khadka dhexe ah.

Dhanka kale Alvaro Morata ayaa bartilmaameed u ah Chelsea, balse xidiga reer Spain wuxuu kusii socdaa Old Trafford.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.