Barcelona Oo Dukaameysi U Aadeysa Bundesliga Iyadoo Bayern Munich Ka Dooneysa Wiilka Ay Nacday Ee Douglas Costa.

0

Barcelona ayaa markaan dukaameysi u aadeysa horyaalka Bundesliga iyadoo Bayern Munich kasoo qaadaneysa garabka reer Brazil Douglas Costa kaas oo loo sheegay inuusan wax mustaqbal ah ku laheyn garoonka Allianz Arena.

Bavarian waxey daneyneysaa iney xidigaan iska beeciso, waxeyna sheekadu xaqiiqada u dhawaatay markii ay maanta dhameystireen saxiixa garabka da’da yar ee xulka jarmlka Serge Gnabry kaas oo ay 8 Malyan oo Euro kaga soo qaateen Werder Bremen.

Wargeyska AS ayaa daabacay in Barcelona ay markaan isku dayeyso iney lasoo saxiixato Douglas Costa inkastoo ay tartan xog leh kala kulmi doonto Liverpool oo qudheeda dhinac ka dooneysa xidigii hore Shakhtar Donetsk.

Dhinaca kale Barcelona waxaa lala xiriirinayaa xidigaha Riyad Mahrez oo ka tirsan Leicester City iyo Ousmane Dembele oo ka tirsan Dortmund kuwaas oo sida Costa lugta bidix ku ciyaara kana ciyaara garabka weerarka sidiisa oo kale.

Macalinka cusub ee Barcelona Ernesto Valverde ayaa laga filayaa inuu qorshe dhanka suuqa kala iibsiga ah dajiyo si uu kooxda uga xaliyo dhibaatooyinkii hoos u dhigay labadii sano ee lasoo dhaafay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.