KHILAAFKA CARABTA IYO MAWQIFKA DAWLADA SOMALIYA

0

Khilaaf dawladaha Khaliijka iyo Carabta ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey kadib markii ay xiisadii ka gudubtay dawlado is haysta ee ay u gudubtay shakhsiyaad, qoosas is dhalay ama is qaba iyo hay’ado samafal iyada oi la soo saaray amaro lagu ugaarsanayo 59 qof oo u badan Culimo, Mufakiriin iyo hogaamiyaal bulsho oo magac iyo maamuus ku leh wadamada Carabta iyo Caalamka oo uu ugu horeeyo Caalimka Sheekh Qardawi oo ah 90 jir, sidoo kale 12 hay’adood oo samafal ah oo ay ugu horeyso Qadar Charity, sidoo kale qaraabo iyo xaasas la kala raray ilaa ay gaartay in ilmo iyo hooyo nuujineysay la kala tarxiilay, sida la ogyahay wadamada lixda ah ee Khaliijka waa Beelo wada qaraaba ah oo is dhalay kala guursada kalana heysta Jinsiyadooda, marka dagaalkii qaraabadii ayuu hoos ugu degay ilaa la gaarsiiyey qofkii qora ama ku hadla ama laga dareemo in uu ka wel-welsanyahay ama ka xunyahay cunaqabateenta Qadar waxaa lagu ciqaabayaa xabsi gaaraya 15 sano iyo ganaax dhan 30 kun doolar.

Waxaa la yaab leh in 1977 dawladaha Carabta oo ay u horeeyeen Sacuudiga iyo Emaraatku ay go’doomiyeen Masar iyaga oo ku eedeeyey heshiiskii Israa’el ay la galeen kadibna waxey lacagta ugu badan ku bixin jireen ururkii xoreynta Falastiin ee Carafaad iyo Xamaas oo Sheekhii asaasay Axmed Yasiin uu ka soo furtay Yuhuuda Boqor Xuseen ka Urdun uuna soo badbaadiyey isaga iyo Khaalid Mishcal, kadibna Boqor Fahad ayaa kusoo dhaweyey Sacuudiga si ka sareysa soo dhaweyn Madaxweyne, waxaa nasiib daro ah in halgankii dheeraa ee Carabta kusoo dhamaaday in ay danbi tahay xoreynta Falastiin iyo Masjid Al Aqsaa iyo in markii ugu horeysay ay Israa’el taageertay go’aanka Sacuudiga iyo Emaratka, loona arkin maanta cadwga koowaad, labaad iyo sedexaad. Alle ha u naxariisto Boqoradii iyo Madaxdii Carabta hore oo ilaa xad ilaalinjiray sharafta iyo karaamada Carabta iyo Islaamka.

Dawlada Somaliya oo 1977 garab istaagtay Masar kana heshay xoogaa hub ah oo diiday go’aankii Carabta, 1990 kiina taageertay Sacuudig kana heshay xoogaa dhaqaale ah. Maanta waxey qaadatay go’aan dhexdhexaad-nimo ah oo dad dad badan ku taageereen uguna hambalyeeyeen, in kastoo anigu aan ka aragti duwanahay.

Waxaa laga rabaa aragtideyda laba arimood;

1. In ay caloosha xirtaan is kana dhaafaan qaraabka Carabta inta arintu kacsantahay, waxaa sharaf dhac ah in dawlad aadan ku taageersaneyn mowqifkeeda hadana aad tuugsi u aado.

2. In Madaxda dawlada Somaliya ee saaxiibada la ah dawladaha Carabta ee is haya aysan isku khilaafin kan ayaa saxan iyo ma saxna sidii Trump iyo Wasiirkiisa arimaha dibadda isugu khilaafeen, taas oo saameyn ku yeelan karta horu-socodka hawlaha dawlada.

Hadaba si looga dhabeeyo go’aankii dawlada, loona ilaaliyo Sharafka iyo Karaamada waa in la raadiyo ilo dhaqaale kale oo aan ku xirneyn shuruudahah Carabta.

W.Q:- Dr Maxamad Gacal

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.