Dagaaloka socda Shabeeladda Hoose.

0

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii saakay ay weerar kedis ah ku qaadaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta ayaa goor dhow dib ula wareegay deegaanka Janaale, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday madaafiic, taasoo lagu soo waramayo inay geysteen khasaare kala duwan.

Ciidamada huwanta ayaa labo jiho ka weeraray deegaanka Janaale, oo horay Al-Shabaab u jareen buundadii geli jirtay deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee hada naga soo gaaraya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu hada ka socdo agagaarka deegaanka Toora Toorow oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay qorsheynayaan in dhamaan deegaanada ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab ka saaraan.

Ciidamada huwanta ayaa saaka la wareegay deegaanada Mubarak, Bariire, Farsooley, tuulooyin kale oo hoostaga degmada Afgooye.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, waxaana la sheegayaa in guutooyin ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay ku qul qulayaan goobaha ay dagaalada ka socdaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.