Daawo: Somaliland oo taageertay Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee xiriirka u jaray Qatar

0

Maamulka Somaliland ayaa taageeray xulafada  Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray dowladda Qatar, iyagoo diiday in Qatar ay diyaaradaheeda isticmaasho hawada Somaliland.

Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Somaliland ayaa waxay ku sheegeen inay si buuxda u taageersan yihiin mowqifka iyo aragtida ay qaateen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u akhriyay saxaafada go’aanka ay qaadatay Somaliland ee ay ku taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Go’aanka ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa uu ahaa sidan.

1- in  Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sacuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.

2-Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan  Somalialnd ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

3-Somaliland way u madax-banaan tahay cirkeeda , dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.

Go’aankan ka soo baxay Maamulka Somaliland ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex dhexaadnimo ka istaagtay khilaafka wadamada khaliijka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.