Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dib uga soo laabtay goobihii ay saaka weerareen

0

Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saaka duulaan ku qaaday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab ayaa galabta dib uga soo laabtay meelihii ay weerareen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay dib uga soo gurteen tuulooyin hoos taga degmada Afgooye oo saakay ay dagaal kula wareegeen.

Ilo ku dhow dhow saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegaya in weerarka saakay uu ahaa howl gal kooban, oo lagu qaaday fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Janaale illaa Afgooye.

Dagaalada oo ahaa kuwo culus ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in khasaare ka soo gaaray miinooyin wadada ku aasnaa oo lala eegtay, sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa iyana la sheegayaa in khasaare uu gaaray, inkastoo aan si rasmi loo ogeyn.

Warar la helayo ayaa sheegaya in illaa tobaneeyo ruux oo dhinacyadii dagaalamay ahaa inay ku dhinteen dagaaladii maanta dhacay.

Ciidamada ayaa saakay la wareegay tuulooyinka mubaarak, bariire illaa nawaaxiga Janaale, waxaana la sheegay inay iska caabin xooggan ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa la soo sheegayaa inay haatan degan yihiin, waxaana ka barakacay dadkii ku dhaqnaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.