Askari Ciidanka Dawladda ka tirsan oo Muqdisho lagu dilay.

0

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa mid ka mid ka mid ah Ciidamada Minishiibiyada waxa ay ku dileen degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo lagu Magacaabi jiray Cali Salaad ay dileen 2 Nin oo ku hubeysnaa Bastoolado.

Waxaana Ragga Falkaasi dilka ah geystay lagu soo warramayaa in mesha wax ka dhaceen ay isaga baxsadeen.

Dilkan ayaa imaanaya xilli ay Muqdisho ka socdaan Hawlgalo hubka lagu dhigayo. Waxaana laga mamnuucay Ciidanka Dawladda inay hub ku dhex qaataan Magaaladda Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.