Maraykanka oo ugu baaqay wadamada Khaliijka inay debciyaan xayiraada ay saareen dalka Qadar

0

Xoghayaha Arrimaha Dibbada dowlada Maraykanka Rex Tillerson ayaa ugu baaqay wadanka Sacudi Carabiya iyo wadamada kale ee Khaliijka inay qafiifiyaan xayiraadaha ay saareen dalka Qadar,sababtoo ah waxa ay saameeyn ku yeesheen arrimo aan la fileyn oo ay ka mid tahay la dagaalanka ururka IS.

Warkan ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka ayaa ku soo beegmeysa shan maalmood kadib markii wadamada Acudi Carabiya,Bahrain,UAE IYO Masar ay xiriirka u jareen wadanka Qadar isla markaana xayiraado dhinaca cirka,dhulka iyo baddaba ku soo rogeen

“Waxaan ugu baaqeynaa Boqortoyada Sacudi Carabiya , the United Arab Emirates, Bahrain iyo Egypt inay fududeeyaan xayiraadaha la saaray dalka Qatar,” ayuu yiri Tillerson.

Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ayaa rajo ka muujiyay in baaqiisa ay aqbali doonaan wadamada Khaliijka ah. Waxana baaqan ka soo yeeray dowlada Maraykanka uu muujinaya isbedel dhinaca diblumaasiyada ah iyadoo hore Madaxweynaha Maraykanka Trump uu sheegay in uu ku guuleystey booqashadii uu ku tegey Sacudi Carabiya isagoo muujiyay inuu raali ka yahay culeyska la saaray wadanka Qadar.

Shalay ayay dalalka xiriirka ka goostay dalka Qadar waxa ay sidoo kale sheegeen in xayiraad dhinaca dhaqaalaha ay ku soo rogeen 59 ruux iyo tobanaan ururo ah kuwaasoo lala xiriirinayo inay taageeraan wadanka Qadar.

Tillerson ayaa sheegay in xayiraadaha la saaray dalka Qadar ay dowlada Maraykanka iyo hay’ado kale oo caalami ah ay howlahoodii saameeyeen waxa kale oo uu sheegay Tillerson in arrimo dhinaca aadanaha ah ay si dadban u saameeyeen.

Dowlada Turkiga ayaa taageero u muujisay wadanka Qadar waxaana lagu arkay suuqyada magaalada Doxa cunto laga keenay wadanka Turkiga oo la soo buuxiyay waxana ay sidoo kale dowlada Turkiga qorsheysay inay ciidamo u dirto wadanka la go’odoomiyay ee caalamka ugu qanisan marka loo eego daqliga qof walba ku soo aadaysa.

Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay in uu taageersan yahay dadaalka uu Amiirka Kuwait ku doonayo inuu ku dhexdhexaadiyo shaqaaqada siyaasadeed ee ka taagan Khaliijka.

Dhinaca kale Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ka mamnuucday hotelada iyo goobaha kale ee dalxiisayaasha wadankeeda in laga daawado taleefishinka Al Jazeera waxana ay uga digtey ciddii arintaas ku kacda inay mudan doonto ganaax dhan $26,000 iyo in weliba goobta ku xadgudubta amarka in albabaada la isugu dhufto.

Mas’uuliyiin u hadashay taleefishinka Al Jazeera oo xaruntiisu tahay dalka Qadar ayaa sheegay in la isku dayay dhowr jeer in la jabsado kombiyuutarada talefishinka balse ay ka hortageen.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.