Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay dagaal adag oo ka dhan ah Shabaab iyo Daacish

0

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa ku dhawaaqay dagaal adag oo ka dhan ah Shabaab iyo Daacish.

C/wali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii askartii shalay lagu laayay dagaal ka dhacay deegaanka Af-Urur, halkaasoo xero ciidan oo ay lahaayeen Ciidamada daraawiishta ay weerareen Al-Shabaab.

“Waxaa shacabka Puntland u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhana ah burcad diimeedka ku soo duulay dhulkayaga”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay isaga filan tahay inay iska difaacaan waxa uu ugu yeeray sharwadayaasha ku soo duulay deeganada maamulkiisa.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka inay ku taageeraan Puntland dagaalka adag ee ay kula jirto Argagixisada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay guddi wasiiro ah oo soo qiimeeya dagaalkii ka dhacay deegaanka Af-urur, si ay u soo ogaadaan khasaaraha iyo dadka dhaawacyada qaba ee xaaladooda u baahan in wax laga qabto.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay 61 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ku dileen dagaal ka dhacay deegaanka Af-urur, waxaana ay ku furteen saanad milateri oo ay ku jiraan gaadiid dagaal.

Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ee fariisamahoodu yahay dhulka buuraleyda ah ee loo yaqaano Golis.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.