Ciidanka Xasilinta oo dilay Gud Waaxeed ka tirsan Gobalka Banaadir.

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaaraan, kaasoo dhex maray Ciidamada Xasilinta iyo ciidamo milateri ah oo ah ciidamada deegaanka.

Ciidamada Xasilinta ayaa la sheegay in markii hore aanu qorshaha ugu jirin in howl gal ay ka sameeyaan degmada Kaaraan, balse loo yeeray.

Iska hor imaadka ayaa yimid, xilli xarunta degmada Kaaraan ay ka socotay howlo raashin qeybin ah, waxaana la sheegay in ciidamo deegaanka ay goobta ay ka socotay raasin qeybinta ay qalalaase ka sameeyaan.

Hase ahaatee maamulka degmada Kaaraan ayaa la sheegay inay u yeerteen ciidamada xasilinta, kuwaasoo markii dambe si deg deg ah ku yimid degmada Kaaraan.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ciidamadii hubeysnaa ku amreen inay hubka dhigaan, balse rasaas ku bilaabay, waxaana is rasaaseyn socotay muddo ay ciidamada xasilinta gacanta ku dhigeen hal askari iyo qorigii uu watay.

Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada Kaaraan. Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi Jiray Cabdi maxamed Dhagay oo loo yaqaanay Cabdi Jiis. Waxaana uu Gud ka ahaa Waaxda Jamhuuriya ee Kaaraan. sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 2 qof oo kale oo midi haweeneey tahay.

Xaalada degmada Kaaraan ayaa markii dambe caadi ku soo laabatay, iyadoo dadka deegaanka ay mar kaliya qal qal galeen, markii ay is rasaaseynta bilaabatay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.