Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Socda Gobolka Bari (Sawiro)

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ka socda duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta dagaal kale uu dib uga qarxay aagga Galgala oo saaka dagaal qaatay muddo labo saac ah uu ka dhacay.

Degaanka Af Urur ayaa lagu dagaallamayaa waxaana dagaalka uu yimid markii Al-shabaab ay xilli waagga uu baryayey ay weerar lama filaan ah ku qaadeen halkaas oo ciidanka daraawiishta Puntland ay gacanta ku hayeen.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac kala gaaray walow khasaaraha rasmiga ah aan la heli karin, maadaama goobaha lagu dagaallamayo laga jaray Isgaarsiinta.

Korneyl Axmed Muuse Sangal, oo ahaa taliyihii aagga dagaalka uu ka socdo iyo 20 askari ayaa la gowracay, sida ay ilo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Goobjoog News.

Taliyaha ciidanka Puntland Jeneraal Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere) ayaa goobta dagaalka gaaray, isagoo hogaaminaya Ciidamo Gurmad ah.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen iney dileen 61 kamid ah ciidamada Puntland, kuwo kalena ay dhaawaceen, iyadoo weli Puntland dhankeeda aanay war kasoo saarin dagaalladaasi.

Afhayeenka Kooxda Al Shabaab,  C/Caziiz Abuu Muscab ayaa idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Kooxda u sheegay in dagaalka ay ku dileen 61 Askari islamarkaana ay ku qabsadeen 16 gaari oo 9 kamid ah yihiin gaadiidka dagaalka ee Tikinikada loo yaqaan.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa isna dhinacooda u sheegay Wakaalada wararka ee Reuters Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Af Urur. isla markaana ay haatan wadaan dadaalo ay dib ugu xoraynayaan Deegaankaasi

Weerarkan oo bilowday afartii aroornimo ee Saaka ayaa waxay maleeshiyadu gudaha u galeen xerada tuullada Af urur oo 105 km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Wararka hornafrik ay ka heshay goobta dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in in ka badan 50 qof ay dhinteen oo labada dhinac ka tirsan kuwaasi oo wali maydkoodu yaalaan goobtii lagu dagaallamay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.