Maamulka Puntland oo war saxaafadeed ka soo saaray dagaalkii Af-urur

0

Golaha Wasiirada Puntland ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Tuulada Af-urur ee buuraleyda Gobolka Bari, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig Ciidamada Puntland ku leeyihiin aaggaas.

War saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay soo weerareen saldhiga, isla markaana ay iska caabiyeen Ciidamada Puntland.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Al-Shabaab ay laayeen dad shacab ah oo isugu jira madax dhaqameedyo, haween iyo carruur.

Golaha Wasiirada ayaa beeniyay wararka ku aadan in askar fara badan looga dilay dagaalka, waxaase jira warar madax banaan oo sheegaya in dhimashada Ciidamada Puntland ay gaartay 50 askari oo ay ku jireen Saraakiil.

Waa khasaarihii ugu badnaa ee ka soo gaara Ciidamada Puntland, dagaalo ay la galeen Al-Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.