Koox Hubeysan oo Degmada Yaaqshiid ku dishay Hal Qof

0

Dableey Bastoolado wadatay ayaa Gabal-dhicii Galabta ku dishay Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Meel u dhow Hotelka Gurguurte Hal Ruux oo rayid ah mid kalena ku dhaawacay.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Axmed Deey Barre,waxaana uu ka mid ahaa Ergadii Baarlamaanka ku soo doortay Maamulka Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa Dableydu ay dhaawacday Nin kale oo Magaciisa lagu soo koobay Jilicow.

Ciidamada Ammaanka oo Goobta uu dilku ka dhacay tagay ayaa sameeyay Baaritaano,mana jirto illaa hadda Cid loo soo qabtay Dilka iyo Dhaawac.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.