Guddoomiyaha G/Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen Taliyeyaasha Amniga.

Shirkan oo ahaa shirkii koowaad ee Golaha Amniga Gobolka Banaadir oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay xarunta Aqalka dowladda Hoose.

Kulankan ayaa looga hadlay dar dar gelinta amniga Caasimada, iyadoo lagu soo dhoweeyay howl galada amniga ee socda.

Waxaa la soo bandhigay qorshayaal cusub oo lagu adkeynayo ammaanka, kaasoo ay isla garteen Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb gashay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo kulanka kaddib la hadlay saxaafada ayaa sheegay inuu garab istaagi doono ciidamada amniga Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in waajibaadkooda uu yahay Muqdisho oo Nabad ah, isagoo xusay in kulamadan looga hadlayo amniga la qaban doono todobaadkiiba mar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa noqday Guddoomiyihii u horeeyay ee la hoos-keeno Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir oo hada xubin ka ah Golaha Amniga Gobolka Banaadir.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ay soo saareen go’aano amni oo la xiriiray sugida magaalada Muqdisho, waxaana go’aanadaas qaarkood la hoos-geeyay Maamulka Gobolka Banaadir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.