Al-shabaab oo Gubay Tuulada Busleey ee Gobolka Shabellaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Tuulada Busleey oo hoostagta Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Dab qabadsiiyeen Tuuladaasi.

Goobjoogeyaal ku sugan Tuulada la Gubay Ee Busleey,balse diiday in Magacooda iyo Codkooda Warbaahinta loo adeegsado Sababo Amni ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Sababta loo gubay Tuulada ay tahay Khilaaf soo kala dhexe gelay Dagaalameyaasha Shabaab dhexdooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xalay Tuulada la gubay ay kuwada Dagaalameen Al-shabaab dhexdooda,Saakayna ay dab qabadsiiyeen Tuulada.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay Dadka u diideen in Tuulada ay kala Baxaan Alaabtooda,iyadoo inta badan Tuuladu ay Gubatay.

Hayeeshee ma ahan Markii ugu horeeyay oo Al-shabaab ay Dab qabad siiyaan Tuulooyin ku yaalla Gobolka Shabellaha Hoose.

Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo Maamulka Koofur Galbeed ee Maamul Gobolka Shabellaha Hoose intiisa badan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.