Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka oo ka bad baaday qarax loo dhigay gaarigeeda

0

June 07 (Hornafrik)— Xildhibaanad Samiira Xasan Cabdulle ayaa galabta ka bad baaday qarax miino oo lala eegtay gaari ay la socotay oo marayay Xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana dhaawac soo gaaray askari ilaalo u ahaa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, markii gaariga uu dhaafay miinada dhulka hoostiisa lagu aasay oo ah kuwa meelaha fog laga hago.

Ciidamada ammaanka oo markii qaraxa dhacay kaddib ayaa goobta gaaray, kuwaasoo muddo kooban wadada xiray.

Qaraxyada miino ee dhulka lagu aaso ayaa Muqdisho ay in muddo ah ugu dambeysay, taasoo dad badan oo rayid u badnaa ay horay u galaafatay.

Dhowaan Xaafada Taleex waxaa ka dhacay qaraxyo miino ay ka bad baadeen xildhibaano, waxaa ka mid ahaa Senator Dufle oo qarax loo dhigay meel ku dhow xaruntiisa uu ka bad baaday iyo Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo isna xilli habeen ah qarax lala eegtay gaarigiisa oo ay ku dhaawacmeen ilaalo la socotay

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.