Wasiiro Somali ah oo u ambabaxay Sacuudiga, xilli ay Somalia cadaysay Mawqifkeeda ku aadan Khilaafka Carabta.

0

Illaa Lix Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Sacuudiga, saacad kaddib markii dowladda Federaalka ay mowqif ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Khaliijka.

Diyaarad qaas ah oo dowladda Sacuudiga u soo diray ayaa goor dhoweyd Wasiiradan ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safarka Wasiirada ayaa ku aadan sidii ay heshiisyo ula soo saxiixan lahaayeen dhiggooda Sacuudiga, kaasoo ka mid mashaariic ku baxeysa 4 bilyan oo dollar oo Sacuudiga ka hirgelinayo Soomaaliya.

Wafdigan Wasiiradan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Qorsheynta iAmb. Jamaal, waxaa xubno ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga iyo wasiiro kale.

Waa Wasiiradii ugu badnaa oo ka tirsan Xukuumadda oo hal mar ka dhoofa dalka, tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu magacaabay Golihiisa Wasiirada.

Safarkii Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudiga bishii February 2017 ayaa waxaa madaxda Sacuudiga ku balan qaadeen in Soomaaliya ka taageerayaan dhinacyo kala duwan, sida kabida miisaabiyadda dowladda iyo mashaariic horumarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.