Somalia iyo Suxufiga Maanta .!!!!!!!

0

Suxufiyiinta Soomaaliya Wey Meel Beeleen: Marar kala duwan, oo aan si kedis ah ama kutalogal ah ugala dooday xaaladaha suxufinimada Soomaaliya dad leh aqoonyahan, waaya-arag, xirfadle iwm, ayaan ogaaday iney suxufiyiintu lumiyeen kalsoonidii shacabka. Waxaa la liidaa aqoontooda, waaya-aragnimadooda, xirfadyahanimadooda, damiirkooda, anshaxooda, daacadnimadooda iyo xog-ogaalnimadooda. Waxaa lagu tilmaamaa iney la’yihiin xirfad, aqoon ama tababar suxufinimo. Dadka qaar ayaa ii sheega iney warbaahinta kala hadlaan dadka kuwii mudnaa in lala hadlo (suxufiyiin maran). Anigu, waan difaacaa, waxaana sheegaa iney suxufiyiintu ku sar go’an yihiin shacabkooda, oo sida ay tahay wacyigooda ay la yihiin shacabkuna. Tusaale, 17 sano waxaa dowladihii aan yeelaneynay waayeen xitaa hal hogaamiye oo Soomaaliya samata bixiya, mana aha ciladdu siyaasinta uun ee waa in waxay yihiin ay shacabkuna yihiin (dhinaca aqoonta, daacadnimada, waddaninimada ama hogaamiyanimada). Laakiin, siyaan uga meero ceebta suxufiyiinta, iguma filnaan inaan iimahooda guud yeelo (generalization). Waxaan hubaa iney maalin kasta nala hadlaan kuwa aan xitaa aqoon Af-Soomaaliga dhawaqiisa fusxaha ah, naxwihiisa, cod kiciisa iyo sida ay ereyadiisu u isu gedgediyaan, oo ah sida ilmo hadal barad ah. Si taas looga gudbo, warbaahintu waxay u baahan tahay iney shaqaalaha kala xusahaan, una kala qeybiyaan hawsha, sida soosaare, soojeediye, faafreebe iyo maamule shaqaale iwm, iyada oo qof waliba lagu qaadanaayo waxa uu ku hubeysan yahay ee ah aqoon, xirfad ama tayo kale ee suxufinimo (dhinaca uu ku xoogan yahay). Taladaas oo maqan iyo xuquuqdii shaqalaha oo lagu xadgudbo ayaan aaminsanahay iney horseedday daciifnimada iyo aragtida xun ee ay macaamiisheenu naga qaateen. Iyada oo wax laga qabto waxay ka dhigan tahay inaga oo sii haysan doono qanacsanaan dhageystayaasheena, daawadayaasheena iyo aqristayaasheena.

Nuur Cali Faarax

Mog-Somalia

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.