Jabuti oo hoos u dhigtey xiriirkii diblumaasiyadeed ee dalka Qadar

0

Dowlada Jabuti ayaa hoos u dhigtey xiriirkii diblumaasiyeed ee ay la lahayd wadanka Qadar oo haatan xiriirkii uu la lahaa wadamo badan oo bariga dhexe uu xumaaday.

Jabuti ayaan si rasmi ah xiriirka diblumaasiyada ugu jarin dalka Qadar sida ay sameeyeen wadamada Sacudi Carabiya,Imaradka Carabta, Masar,Yemen,Libya,Meldevis iyo Mouritania.

Sidoo kale wadanka Senegal ayaa dib ugu yeertay safiirkii uga wakiilka ahaa wadanka Qadar si ay wadatashi ula yeeshaan.

Wadamo badan oo qaarada Afrika ayaa laga cabsi qabaa in ay xiriirka u jaraan wadanka Qadar iyadoo weli ay wadamada Khaliijka ay wadaan dadaalo diblumaasiyeed oo ay ku go’odoominayaan dalka Qadar.

Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in qofkii lagu helo inuu taageero u muujiyo dalka Qadar uu mudanayo xabsi gaaraya 15 sano.

Weerar maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka dalka Iran iyo dhismaha qabuuraha hogaamiyihii hore ee dalka Iran Ayatollah Khumeyni ayay dowlada Iran ku eedeeysay wadanka Sacudi Carabiya inuu ka dambeeyay weerarkaas.

Dabley hubeysan oo weerar ismiidaamin iyo dagaal toos ahba la gashay ciidamada ilalaada dalka Iran ayaa waxaa ku dhintey 12 ruux iyadoo weerarkaasna uu ahaa kii ugu horeeyay ee ururka IS uu ku qaado dalka Iran.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.