Ciidamada Xasilinta oo howl gallo baaritaano aan horay loo arag ka wada Waddooyinka Muqdisho

0

Ciidamada Xasilinta Amniga Caasimada Muqdisho ayaa maanta howl gallo baaritaan nooc cusub ah ka wada waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo saaka bilaabay inay ka howl galaan isgoysyada waddooyinka ayaa baaritaan ku sameynaya dadka iyo gaadiidka saaran.

Waddooyinka ay howl galada ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, iyo wadooyinka kale, iyadoo isgoysyada lagu joojinayo gaadiidka.

Gaadiidka ayaa meelaha qaar safaf ugu jiray baaritaanada socday, iyadoo dadka saaran lagu amray inay ka soo degaan.

Dadka saaran gaadiidka ayaa la weydiinayaa su’aalo, sida xaafada ay degan yihiin, shaqadooda iyo aqoonsigooda.

Arrintan ayaa ah mid ku cusub howl galada, gaar ahaan in dadka saaran gaadiidka la weydiiyo su’aalo iyo aqoonsi, taasoo dadka qaar sheegayaan inay ka qeyb qaadato howlaha sugida ammaanka.

Tan iyo markii la galay bisha Ramadaan ayaa Ciidamada Xasilinta waxay bilaabeen howl gallo adag oo lagu sugayo ammaanka Caasimada, kuwaasoo isugu jira hub ka dhigis iyo sugid amni goobaha qaar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.