Qatar Airways oo billowday isticmaalka hawadda Somalia

0
Shirkadda Diyaaraha Qatar Airways ayaa dhowrkii saacadood ee la soo dhaafday ku socdaashay Hawadda Soomaaliya, kadib markii Sacuudiga uu sheegay in Hawadoodda aysan isticmaali karin Diyaaraha laga lee yahay dalka Qatar. Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 15 dulimaad ay ku sameysay Hawadda Soomaaliya Shirkadda Qatar Airways. Hase’ahaaate Waxaa soo Baxaya warar sheegaya in cadaadis lagu saarayo DFS in ay xiriirka ay u jarto Dowladda Qatar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.