IGAD oo aqbashay inay ka qeybqaadato dib u heshisiinta Galmudug iyo Ahlu Sunna

0

Ururka dowliga ahayn ee IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha bariga Afrika ayaa aqbalay codsi uga yimid dowlada federalka kaasoo ahaa inay ka qeybqaadato fududeynta wadahadalada dib u heshiisiinta ee maamul goboleedka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Qoraal uu ku saxiixnaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Keynaan oo ku taariiqeysneyd 27/04/2017 ayaa loo direy urur goboleedka IGAD kaasoo loogaga codsanayay inay ka qeybqaadato fududeynta sidii dib u heshisiin loogu sameyn lahaa Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Hase yeeshee urur goboleedka IGAD ayaa ka jawaabista warqadan ay soo gaartay illaa iyo maanta oo ah 6da June 2017, balse waxaa uu aqbalay codsiga ay dowlada federalka u gudbisay ee ahaa in ay ka qeybqaadato wadahdalada lagu heshiisiinayo maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna oo maamula qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.