Dagaalyahan ka tirsan Daacish oo markii ugu horeysay isku dhiibay Puntland

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu isa soo dhiibay mid ka mid ah dagaalamayaasha kooxda sheegata in ay xiriir la leedahay Daacish ee ku sugan Buuraha Galgala gobolka Bari.

Shaqsigan isa soo dhiibay ayaa magacbiisa lagu sheegay C/laahi Maxamed Saciid, wuxuuna ka soo jeedaa gobolka Baay sidda ay sheegeen saraakiisha dowlad gobolleedka Puntland.

Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Horseed Axmed Maxamuud Yuusf oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ninkan uu isaga qirtay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Taliyaha ayaa intaa ku darray in ninkan ilaa hada in aysan ka heyn wareysi faah faahsan, balse ay dib ka soo sheegi doonaan,  isaga oo ragga kale ee ka tirsan wali kooxda Daacish ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa marar badan koox ka tirsan Daacish waxaa ay kula dagaalameen deegaanno ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa sanadkii hore waxaa la wareegtay degmada Qandala, kuwaasi oo in mudo ah halkaasi ku sugnaa, inkastoo markii dambe laga saaray.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.