Daawo Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Kismaayo

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, isaga oo u kuur galaya xaaladaha amni iyo nololeed ee dadka ku nool deegaannada Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu so dhaweeyay garoonka diyaaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa uga sii gudbay Jaamacadda Kismaayo oo xarun u ah Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Wafdiga uu Madaxweynaha hoggaaminayay oo isugu jira wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka, xildhibaannada labada Aqal ku matala Jubaland iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.