C/fitaax Shaaweeye oo loo Magacaabay Agaasime Kuxigeenka Hay’adda Socdaalka

0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa waxaa lagu Magacaabay Kuxigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,waxaana loo Magacaabay C/fitaax Ibraahim Cumar Shaaweeye oo ka mid ahaa Saraakiisha Sarsare ee NISA.

C/fitaax Shaaweeye ayaa Xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladdihii dalka soo Maray, waxaana uu soo noqday Gud Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir, Taliye Ku Xigeenka NISA ee Gobalka Banaadir, Taliyaha Hawlgaladda NISA, Taliyaha Hogaanka Gobaladda ee NISA, iyo Xilal kale oo kala duwan. waxaana lagu yaqaanaa Taliye Shaaweey Shaqsi hawl kar ah oo ku firfircoon Shaqooyinka loo igmado.

Hay’ádda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa tan iyo intii loo magacaabay inuu Agaasime Guud ka noqdo Col Maxamad Aadan Koofi waxay samaysay horumar ballaaran. Waxaana ay dib u soo celisay Shaqooyinkeedii Xuduudaha Somalia iyadoo sidoo kalana la wanaajiyay Xiriirka ay Somalia la leedahay Hay’ádaha dhigeeda ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.