Weerar bambaano oo caawa lagu qaaday guriga Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan

0

Bam gacmeed ayaa caawa fiidkii xilliga Afurka kadib lagu weeraray Guri uu degenaa Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim.

Ma jiro wax khasaaro ah oo uu gaystay Weerarkan loo adeegsaday Bambaanooyinka.

Guriga la weeraray ee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa ku yaala meel ku dhow xarunta maamulka degmada.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib ay xaafada soo gaareen, ciidamada amniga, kuwaasoo howl gallo kooban sameeyay.

Dayacaad amni ayaa soo wajahay Guddoomiyeyaashii degmooyinka ee xilka laga qaaday, waxaana dhowaan ay sheegteen inay xuquuq uga maqan tahay Gobolka Banaadir oo ah mushaar afar bilood iyo guno ilaalada la siin jiray.

Inta badan waxaa caadi ah in marka qof mas’uul xilka laga qaado in sababo dhaqaale uu iska kala yareeyo ilaaladii badneyd ee waardiyeyn jiray marka uu xilka hayay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.