Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka magaalada London(Sawiro)

0

Xaalada magaalada London ayaa ah mid degen kadib markii xalay weerar ay ku qaadeen saddex ruux oo midiyo ku hubeysan ay ku dhinteen 7 ruux halka 48 kalana ku dhaawacmeen.

Weerarkan oo ahaa kii saddexaad oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada London ayaa ku soo beegmay xilli maalmo ay ka harsan tahay doorashada guud ee dalka Britain.

Hase yeeshee ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in doorashada guud ee dalkaasi ka dhacaysa Khamiista soo socota aan loo hakin doonin weerarrada argagixiso ee waddankaasi hareeyay.

Waxa ay intaa ku dartay in aan la ogolaan karin in falalka amni darrada ah ay qalqal galiyaan hannaanka dimuqraadiyadda.

Axsaabta siyaasadda ee Britain ayaa hakiyay ololahooda doorashada, weerarkan awgii,hase yeeshee Theresa May ayaa sheegtay in Maalnta Isniinta ay dib u bilaabanayaan ololaha doorashda.

Saddexda ruux ee weerarka ka dambeysay ayaa la sheegay in mid kamid ah uu xirnaa maaliyada kooxda Arsenal waxaana raggan rasaas ooda ugaga qaaday siddeed askari oo ka itrsan ciidamada amniga Britain kuwaasoo dilkooda u isticmaalay illaa konton rasaas ah.

Dhinaca kale ciidamada Booliska ayaa waxa ay soo qabteen 12 ruux oo lala xiriirinayo weerarka xalay. Booliska ayaa howlgalo ka sameeyay degmo ku taal dhinaca Bari ee magaalada London laguna magacaabo Barking halkaa oo uu mid kamid ah dadkii ka dambeeyay weerarkii xalay uu degenaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.